Madaxweyne ku xigeenka dalka oo la kulmay in ka badan 55 siyaasiyiin ah

0
228

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi kula kulmay ugu yaraan 55 xubnood oo isugu jiro xildhibaanno iyo senatarro.
Madaxdan ayaa ka soo jeeda ismaamullada Nakuru, Bomet, Kericho, Baringo, Nandi, Uasin Gishu, Elgeyo Marakwet, Transnzoia iyo West Pokot.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray barnaamijyada horumarineed iyo mashaariicda laga fulinaya dowlad deegaannadan.
Kindiki ayaa qoraal ku sheegay in horumar laga sameeyay dhanka beeraha , caafimaadka, guriyeynta, xiriirinta korontada , dhisidda suuqyada , isbeddellada waxbarashada iyo ballaarinta kaabayaasha cayaaraha.
Wuxuu intaasi ku daray in siyaasiyiinta uu la kulmay ay la wadaageen falcelin wax ku ool ah oo ku aaddan sida ay dowladdu ku dardargelin karto dhameystirka mashaariicda gacanta lagu haya iyo dhinacyada la doonaya in mudnaanta lagu siiyo barnaamijyada mustaqbalka.
Waxaa sidoo kale kulanka ka qayb galay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr. Kipchumba Murkomen.