Ciidamada Israa’iil oo soo saaray amar cusub oo Falastiniyiinta looga barakicinaayo magaalada Qaza

0
447

Afhayeenka ciidamada Israa’iil Avichay Adraee ayaa soo saaray amar cusub oo dadka looga saarayo magaalada Qaza isagoo ugu baaqay dhammaan Falastiniyiinta ku nool xaafadda Remal iyo dekedda Qaza inay sida dhakhsiyaha badan uga baxaan aagaas.
Adraee ayaa waxaa uu iftiimiyay hal dabaq, kaas oo uu ku eedeeyay inay adeegsato Xamaas, taasoo ah bartilmaameedka weerarka maanta.
Bayaan uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku booriyay Falastiniyiinta inay u qaxaan aaga nabdoon ee al- Mawasi ee Koonfurta Qaza halkaas oo ay ciidamada Israa’iil sida isdaba joog ah u duqeyeen.