Raa’iisul wasaaraha dalka Nepal Khadga Prasad Sharma Oli ayaa is casilay, sida uu sheegay gacan yarahiisa, ka dib markii saddex ka mid ah wasiiradiisa ay shaqada ka tageen ka dib mudaaharaadyo lagu hoobtay oo ka dhashay musuqmaasuqa lagu eedeeyay dowladda.
Dibadbaxayaasha oo diiday bandowga, ayaa xoog ku galay xafiiska xisbiga ugu weyn dalka, iyo guryo ay deggan yihiin siyaasiyiin caan ah, maalin kadib markii 19 qof ay dileen ciidamada ammaanka.
Gelinkii dambe ee xalay, dowladda ayaa qaaday xayiraadii saarneyd baraha bulshada, taasoo keentay in qabanqaabiyeyaasha ay ugu yeeraan dibadbaxa dhallinyarada Gen Z ee caasimadda Kathmandu iyo magaalooyinka kale.
Maamulka duulista rayidka ee Nepal ayaa sheegtay in si ku meel gaar ah loo xiray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kathmandu.