Nin dhallinyaro ah oo lagu xiray Turkiga ka dib toogasho uu u geestay saraakiil booliis ah

0
447

Labo sarkaal oo booliis ah ayaa lagu dilay labo kalena waa lagu dhaawacay weerar toogasho ah oo Isniintii lagu qaaday saldhig booliis oo ku dhow magaalada Izmir ee dalka Turkiga.
Waxaa falkan loo xiray eedeeysane 16 sano jir ah sida ay sheegeen mas’uuliyiinta magaalada Izmir.
Wasiirka arrimaha gudaha Cali Yerlikaya ayaa sheegay in weerarka “arxan-darrada ah” ee lagu qaaday saldhigga booliiska ee Balcova, oo galbeed ka xiga magaalada loo dalxiis tago, uu sababay dhimashada laba sarkaal iyo mid saddexaad oo “si xun u dhaawacmay”.
Guddoomiyaha magaalada Izmir Suleyman Elban ayaa sheegay in tuhmanaha uu ku noolaa isla waddada uu saldhigga ku yaalo, uuna dhaawac soo gaaray markii la xirayay.