Maxkamadda oo isbitaalka Mbagathi ku amartay inuu dib u bilaabo daaweynta maxaabiista

0
398

Maxaabiista ku jirta xabsiyada uu u adeego isbitaalka Mbagathi ee magaalada Nairobi ayaa mar kale heli doona daryeel caafimaad kadib markii maxkamadda sare ay amartay in isbitaalka uu dib u bilaabo daaweynta inkastoo uu socdo muran lacag bixineed.
Xukunka oo dhacay Isniintii shalay ayaa imaanaya ka dib markii maxaabiista ay la kulmeen khatarta ah in loo diido adeegyada caafimaadka ee muhiimka ah sababo la xiriira kharashaadkooda oo aan la bixin.
Garsoore Bahati Mwamuye ayaa ku nuuxnuuxsaday in hor istaaga daaweynta maxaabiista ay ku xad gudbi karto xuquuqdooda aasaasiga ah.
Isagoo daliishanaya qodobka 43(1) ee dastuurka, ayuu waxaa uu iftiimiyay in qof kasta oo ay ku jiraan kuwa xabsiga ku jira ay xaq u leeyihiin in ay helaan heerka ugu sarreeya ee caafimaadka.
Khilaafka ayaa billowday kadib markii isbitaalka Mbagathi uu joojiyay adeegyadii uu siin jiray maxaabiista, isagoo ku sababeeyay lacago aan la bixin oo ka badan 12 milyan oo shillin.
Maxkamadda oo haatan soo faragelisay arrintan ayaa ku amartay isbitaalka Mbagathi in uu qaabilo dhammaan maxaabiista, iyada oo aan loo eegin xaaladdooda degdegga ah.
Awaamiirta garsoore Mwamuye ayaa sii jiri doona ilaa 8-da October ee sanadkan. Maxkamadda ayaa sidoo kale ku amartay Waaxda Dowladda ee Adeegga Asluubta in muddo 14 cisho gudaheed ay ku bixiso ugu yaraan 10 milyan ee deynta maqan. Kiiskan ayaa lagu wadaa inuu maxkamadda ka soo hor muuqdo 7-da October.