Rag hubaysan oo Falastiiniyiin ah oo 6 qof ku dilay Quddus

0
602

Lix qof ayaa lagu dilay, toddobo kalena dhaawacyo halis ah ayaa ka soo gaaray weerar toogasho ah oo rag Falastiiniyiin ah ay ka fuliyeen magaalada Quddus, sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka iyo booliiska.
Madaxa ambalaasta ee Israa’iil ee Magen David Adom ayaa ku tilmaamay dadka dhintay saddex nin oo 30 jir ah, hal dumar ah oo 50 jir ah iyo hal nin oo 50 jir ahaa.
Sagaal qof oo qaba dhaawacyo rasaas ayaa loo qaaday isbitaallada deegaanka iyo saddex qof oo kale oo ay nabarro ka soo gaareen muaaryado jajabay.
Bilayska Israa’iil ayaa sheegay in laba qof oo “argagixiso” ah ay rasaas ku fureen goob baska laga raaco oo ku taalla Isgoyska Ramot, ee duleedka waqooyi ee magaaladaasi.
Ra’isul wasaaraha Israa’iil Benjimin Natenyahu ayaa cambaareeyay weerarka la fuliyay .