Hoggaamiyaasha galbeedka Afrika oo ka shiraya xaaladda Mali

0
406

Madaxda wadamada ku mideysan dalladda dhaqaale ee galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa shir looga hadlaya xaaladda dalka Mali ku yeelanaya wadanka Ghana.
Waxaa shirkan lagu casuumay Colonel Assimi Goita oo hoggaaminayay afgembigii ka dhacay Mali sidoo kalena dhawaan loo magacaabay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaas.
15 xubnood oo ka tirsan ururka ECOWAS ayaa la filayaa in ay maanta ka hadlaan sida wax looga qaban karo agembigii labaad ee wadanka Mali ka dhacay sagaal bilood gudahood.
Kulanka oo lagu tilmaamay mid aan caadi ahayn ayaa billaaban doono 2-da duhurnimo ee maanta.