Koox jihaad doon ah ayaa waxaa ay ugu yaraan 55 qof ku dhishay Waqooyi Bari Nigeria iyagoo xoog ku galay guri ay degganaayeen dad laga soo celiyay xero xiran oo ay ku noolaayeen dad gudaha ku barakacay.
Weerarkan oo dhacay habeenkii Jimcaha ayaa ku soo aaday xilli ay kooxa kale oo maleeshiyaad ah weerar ku qaadeen magaalada Daarul Jaamac, oo martigelinaysa saldhig ciidan oo ku yaalla xadka Nigeria iyo Cameroon.
Ilo dhanka ammaanka ah ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in shan askari ay ku jiraan dadka dhintay.