Qaramada Midoobay oo sheegtay in RSF-ta ay Al- Fashir ka geesteen dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada

0
368

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii warbixin ay soo saartay ku sheegtay ciidamada sida militariga u tababaran ee RSF-ta ee Suudaan ay geysteen dambiyo badan oo ka dhan ah bini’aadantinimada intii lagu jiray go’doominta al-Fashir ee galbeedka gobolka Darfur.
Warbixinta oo ka kooban 18 bog oo loogu magac daray ‘Dagaalka Xasuuqa’ ayaa lagu sheegay in RSF-ta iyo xulafadeeda ay u adeegsadeen gaajo qaab dagaal oo halkaas ka dhacay, taasoo dadka rayidka ah loo diiday agabka gargaarka sida cunnada iyo dawooyinka.