Isbitaalka guud ee dowlad deegaanka Nyeri ayaa Baarlamaanka Qaranka ka dalbaday fudeydinta geedisocodka lagu soo celinaayo lacagta isbitaalka oo maamulka caafimaadka bulshada ee SHA ay si khaldan ugu wareejisay isbitaal si gaar ah loo leeyahay.
Lacagtan ayaa sida ay sheegeen mas’uuliyiinta isbitaalka Nyeri ka badan 16 milyan ee shillinka dalka ah.
Isagoo la hadlayay Guddiga Caafimaadka ee Golaha Shacbiga intii lagu guda jiray booqashadooda kormeerka, Kormeeraha Caafimaadka ee isbitaalka Dr Benson Muchiri ayaa waxaa uu sheegay in intii u dhaxeysay Febraayo iyo May ee sanadkan, isbitaalka uu soo gudbiyay sheegashooyinka qiimahoodu dhan yahay 56,121,150. Si kastaba ha ahaatee, halkii ay lacagtan ku wareejin lahayd akoonada isbitaalka Nyeri SHA ayaa waxaa ay dhammaan lacagta ku wareejisay isbitaalka Mt. Kenya oo deris la ah.
Waxaa uu intaa ku daray in dib u dhigista kharashaadka ay bixiso SHA ay sii xumaynaysay howlgallada ka socda xarunta caafimaad.
Xildhibaanka laga soo doortay magaalada Nyeri Duncan Mathenge, oo hoggaaminayay howlgalka kormeerka ayaa ku tilmaamay isku dhafkan mid halis ah, wuxuuna sheegay in baarlamaanka uu si deg deg ah u qaadi doono talaabo si loo hubiyo in lacagtaasi dib loo soo celiyo xaruunta caafimaadka.
Home Wararka Kenya Isbitaalka Nyeri oo ka codsaday xildhibaanada inay ka garab istagaan so celinta...