Dambi baarayaasha dalka oo xiray afar qof oo lala xariirinaya afduub

0
360

Afar qof oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen afduubyo xiriir ah oo ka dhacay deegaanka Kangema ee ismaamulka Muranga ayaa waxaa xabsiga dhigay ciidamada dambi baarista kadib howlgal si wanaagsan loo agaasimay oo ka dhacay magaalada Kiriaini.
Tuhmanayaashan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay John Thuo Maina, Rose Wangari Kinyua, Peter Gathiru Kinuthia, iyo Nancy Wamaitha Njoki.
Xarigoodu wuxuu daba socdaa dhacdo hore oo ay ku afduubteen haweeney, iyagoona ka dhacay lacag dhan 585,000 Sh.
Dambi baarayaasha ayaa sido kale gacanta ku dhigay gaari nooca Toyota Corolla oo lambarkiisu yahay KBJ 419S, oo la rumaysan yahay in loo adeegsaday fal-dembiyeedyo badan.
Eedeysanayaasha ayaa hadda xabsiga ku jira iyadoo lagu wado in dacwad lagu soo oogo.
Dhanka kale, baaritaannada ayaa socda, iyadoo dambi-baarayaashu ay ku raad-joogaan raad-raacyo badan si loo soo qabto, eedeysanayaal kale oo ku lug leh falal dambiyeedyo.