Mareykanka oo wadahadalo qoto dheer la leh Xamaas

0
391

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladdiisa ay wadahadallo xooggan kula jirto Xamaas, wuxuuna ku boorriyay kooxda Falastiiniyiinta inay sii daayaan dhammaan maxaabiista ku xiran Gaza.
“Waxaan wadahadallo qoto dheer kula jirnaa Xamaas,” ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta.
Xamaas ayaa ku adkaysanaysa rabitaankeeda ku aaddan heshiis dhammaystiran oo lagu soo afjarayo dagaalka.
Bishii hore, Xamaas waxay sheegtay in la isku raacay heshiis xabbad-joojin ah. Ka dib, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa sheegay in dhexdhexaadiyayaashu ay jawaab ka sugayeen Israa’iil, taasi oo u muuqata in jawaab laga helin Israa’il iyadoona xoojisay weerarada ka dhanka ah dadka ku nool Qaza.