Maamulka ololaha qaran ee la dagaallanka daroogada ee (NACADA) ayaa ismaamulka Kakamega ka fuliyay howlgal ka dhan ah maandooriyaha.
Howlgalkan oo ay waaxyo kala duwan iska kaashadeen ayaa laga sameeyay aagga Sigalagala ee Koonfurta dowlad deegaankaasi waxaana lagu burburiyay goob lagu sameeyo khamriga sharci darrada ka ah gudaha Kenya.
Waxaa halkaasi laga soo qabtay eedeysane lagu magacaabo John Lisulu, oo loo haysto inuu xashiish ka iibinayay ardayda machadka qaran ee farsamada ee Sigalagala National Polytechnic.
Sidoo kale , waxaa aagga Webiga Yala laga soo qabtay tuhmane labaad.
Madaxa fulinta ee NACADA Dr. Anthony Omerikwa ayaa digniin adag u diray dadka sameeya khamriga iyo kuwa ka ganacsado.
Wuxuu sheegay in maamulkan uu sii wadi doono howlgallada ka dhanka ah noocyada kala duwan ee balwadda.