In ka badan 21,000 oo carruur ah oo ku naafoobay dagaalka Qaza

0
624

Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , duullaanka militari ee ay Israa’iil weli ka wado gudaha Qaza ay ku naafoobeen ugu yaraan 21,000 oo carruur ah.
Waxay dhaawacyo hor leh oo ka dhashay dagaalka ay soo gaareen qiyaastii 40,500 .
Waxaa sidatan sheegay guddiga qaramada midoobay ee xuquuqda dadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Guddigan ayaa tilmaamay in dadka maqalka mise aragga naafada ka ah ee Qaza aynan gaarin amarradii daadgureynta ee Israa’iil.
Xubin ka tirsan guddigan oo lagu magacaabo Muhannad Al-Azzeh oo shir jaraa’id qabtay ayaa tusaale u soo qaatay in hooyo maqalka naafo ka ahayd iyo carruurteeda lagu dilay magaalada Rafah iyagoo aan ka war qabin amarka daadgureynta ee ay Israa’iil bixisay.