Waxaa la aasaasay guddi farsamo oo ka shaqeyn doono isku dubaridka iskaashiyada lagu taageeraya cayaaraha ee dalka.
Waxaa guddigan xubno ka ah dowladda , xiriirka kubadda cagta ee dalka ee (FKF) iyo waaxyaha gaarka ah.
Waxaa sidatan shaaciyey madaxweynaha qaranka Dr. William Ruto.
Madaxweynaha ayaa sheegay in guddigan uu kor-joogteyn doono maalgelinta munaasabadaha kala duwan ee cayaartooyda iyo maareynta xayaysiimaha xafladahan.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in laga faa’iidaysto cayaaraha oo la gaarsiiyo heerka xiga.