Henry Tanui oo loo magacaabay madaxa fulinta ee Hustler Fund

0
201

Waxaa xilka madaxa fulinta ee sanduuqa ay dowladdu ku taageerto ganacsatada yaryar ee loo yaqaano Hustler Fund loo magacaabay Henry Tanui.
Waxaa uu leeyahay khibrad shaqo oo dhanka adeegyada maaliyadeed ah oo dhan in ka badan 24 sano.
Waxaa uu jagadan kala wareegaya Elizabeth Nkukuu oo sanduuqa Hustler Fund madax ka ahayd tan iyo markii la aasaasay.
Tanui ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay aayaha sanduuqan halka Elizabeth ay sheegtay in barnaamijkan uu dhaqaale ahaan taageeray malaayiin qoysas ah iyo ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe.