Afar qof oo cusub oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta dilkii Albert Ojwang

0
455

Afar nin ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriira beddelka SIM-kaarka Taleefoonka uu lahaa Taliyihii hore ee saldhigga booliiska ee Central ee magaalada Nairobi Samson Kiprotich Taalam.
Eedeysanayaasha oo kala ah Brian Ronoh Kiprotich, Amos Nzomo Kimanzi, James Mutemi Munyithya, iyo Dennis Masavi Musimi ayaa hadda wajahaya 12 dacwadood, oo ay ku jiraan inay maleegeen fal dambiyeed, khiyaano kombuyuutar, xatooyo aqoonsiga, iyo haysashada sharci darrada ah iyo isticmaalka kaararka aqoonsiga ee qaranka.
Sida ku cad warqada dacwadda, nimankan ayaa intii u dhaxaysay 16-kii ilaa 19-kii bishii June ee sanadkan si musuq maasuq ah ugu bedeleen SIM Card-ka Taalam ee Safaricom oo ay si sharci darro ah lacago uga doonanayeen dad shacab ah. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Kiprotich uu markii dambe galay akoonka Talam ee M-Pesa-da oo uu kala baxay lacag isagoo isticmaalaya nambarkiisa sirta ah.
Maxkamadda ayaa sidoo kale dhageysatay in Kiprotich lagu xiray xaafada Pipeline ee deegaanka Embakasi 20-kii Luulyo ee sanadkan isagoo heysta ugu yaraan toddobo warqado aqoonsi oo kala duwan oo ay ku jiraan kuwa ay leeyihiin Elisha Siele, Robert Mwinzi Mulango, Stephen Wambua Mutheki, Nzuva Masila, Geoffrey Kipkoech Rono, Nicholas Ouma Ouma, iyo Patrick Agesa Muhonja.
Dhanka kale, Munyithya ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu si sharci darro ah u isticmaalay kaarka aqoonsiga eedaysane Kimanzi si uu u diiwaan geliyo khadka taleefanka gacanta oo uu u kiciyo taleefoonka gacanta ee ku xiran khiyaanada la sheegay.
Intii lagu guda jiray dhageysiga dammaanadda, qareen Danstan Omari oo u doodaya Taalam ayaa ku booriyay maxkamadda inay ka noqoto shuruudaha dammaanadda oo ay bixisay garsoore Dolphina Alego, isagoo ka digay in sii daynta eedaysanayaasha ay khatar gelinayso dadweynaha.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ku baaqay in la soo saaro warbixin dammaanad qaad ah isagoo u cuskanaya culeyska dambiyada iyo dadaallada booliiska ee socda ee lagu raadinayo tuhmane kale.
Qareenada difaacayay, ayaa tallaabadaasi ka soo horjeestay, iyagoo ku adkeystay in dhammaanadu ay tahay xuquuq dastuuri ah.
Garsooraha maxkamadda ayaa amray in arrinta dammaanadda wax laga qabto ka dib marka la helo warbixinta dammaanadda ka hor inta kiiska aan la soo gabagabeyn.