Kituo Cha Sheria oo dowlada ku dacweeysay joojinta daryeelka caafimaad ee maxaabiista

0
380

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Kituo Cha Sheria ayaa maxkamada sare ka codsatay in ay dowladda ku qasabto in ay dib u soo celiso adeegyadii caafimaad ee maxaabiista,kadib markii isbitaalka guud ee Nairobi uu hakiyay daweyntiisa sababo la xiriira lacago aan la bixin.
Kooxda ayaa dukumentiyada ay maxkamadda u gudbiyeen ku andacooday in maxaabiista dalka oo dhan ay awoodi waayeen inay helaan daryeel caafimaad tan iyo 4-tii bishii hore ee Agoosto markii isbitaalka Mbagathi ee magaalada Nairobi la sheegay inuu joojiyay daawaynta maxaabiista sababo la xiriira deyn dhan 12 milyan oo uu dowladda ku leeyahay.
Iyadoo loo marayo Agaasimaheeda Fulinta, Dr. Wambua Kituku, Kituo Cha Sheria ayaa waxaa ay ku doodaysaa in ganaaxa uu ka dhigay maxaabiista daryeel caafimaad la’aan.
Kiiskan oo lagu soo gudbiyay shahaado degdeg ah, ayaa dalbanaya amarro ku meel gaar ah oo ku qasbaya Wasaaradda Caafimaadka iyo isbitaalka Mbagathi labadaba inay dib u bilaabaan qaabilaadda iyo daawaynta maxaabiista si degdeg ah, iyada oo aan loo eegin khilaafka maaliyadeed ee u dhexeeya hay’adaha dowladda.
Ururka ayaa waxaa kale oo uu doonayaa in dowladda, iyada oo adeegsanaysa Xafiiska Sharciga ee dowladda dhexe, Wasaaradda Caafimaadka, iyo Adeegga Xabsiyada dalka, ay dammaanad qaaddo helitaanka daryeel caafimaad oo joogto ah ee maxaabiista, ha noqoto Mbagathi ama xarumaha kale ee dadweynaha ee loo qoondeeyey.
Kituo Cha Sheria ayaa waxaa ay ku doodaysaa in maxaabiista loo diido in ay helaan daweyn ay ka dhigan tahay ku xad gudub dhowr xuquuqood oo dastuuri ah, oo ay ku jiraan xaqa caafimaad ee sida ku cad qodobka 43, xuquuqda sharafta ee qodobka 28, iyo ka ilaalinta naxariis darada, bini’aadantinimada ka baxsan, ama xaqiraad sida ku cad qodobka 29 ee dastuurka dalka.
Kooxda ayaa waxaa ay ku nuuxnuuxsatay in maxaabiista ku jira xabsiyada dowladda ay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin adeegyada dowladda oo aysan u raadsan karin daryeel caafimaad si madax bannaan.
Codsiga ayaa ka digaya in haddii aysan maxkamadda si degdeg ah u soo faragelin, diidmada daawaynta ee socota ay keeni doonto dhaawac aan laga soo kaban karin iyo dhimasho laga hortagi karo.