Ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah ee Thailand ayaa u dhaqaaqay inuu kala diro baarlamaanka sida uu xisbigiisa sheegay Arbacada maanta ah ka dib markii xisbiga mucaaradka ugu weyn uu taageeray musharax la tartameya inuu hoggaamiyo dalka.
Raa’iisul wasaare Paetongtarn Shinawatra ayaa maxkamadda dastuuriga ah isbuucii hore xilka ka xayuubisay kadib markii ay wax ka qabatay muran xuduudeed oo kala dhexeeya Cambodia.
Xoghayaha guud ee xisbiga talada dalkaas hayo ee Pheu Thai Sorawong Thienthong ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in ra’iisul wasaare Phumtham Wechayachai “uu gudbiyay aqalka digreeto lagu kala dirayo”.
Sida uu qabo dastuurka Thailand, haddii boqorka uu ogolaado kala dirista baarlamaanka, waa in doorasho lagu qabtaa inta u dhaxaysa 45 iyo 60 maalmood.