Warbixin ay soo saartay Maareyaha Miisaaniyadda (CoB) ayaa shaaca ka qaaday in Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Nairobi ee State House uu isticmaalay lacag dhan 3.6 bilyan muddo 42 maalmood gudaheed taas oo kor u qaadeysa welwelka laga qabo isticmaalka aan laga fiirsan ee kharshaadka in kasta oo Xukuumadda madaxweyne Ruto ay ballan qaaday in la dhimaayo kharashaadka xad dhaafka ah.
Sida lagu sheegay warbixinta wasaaradda maaliyada ayaa siidaysay dhaqaalahan intii u dhaxaysay 14-kii May ilaa 24-kii June, 2025 lix maalmood oo kaliya ka hor dhamaadka sanad maaliyadeedka sida uu dhigayo qodobka 223 ee dastuurka, kaas oo u ogolaanaya dowladda in ay kharash ku bixiso xaaladaha degdega ah ee aan la filayn ee aan lagu darin miisaaniyadaha baarlamaanka uu ansixiyay.
Warbixinta ayaa waxaa ay muujisay in Khasnadda Qaran ay samaysay saddex oggolaansho oo wadar ahaan dhan 3.6 bilyan oo shillinka dalka ah si loogu daboolo safarka gudaha, saadka martigelinta, shidaalka, iyo dayactirka baabuurta ee Aqalka Madaxtooyada. Lacagtan ayaa sida warbixinta ku cad ay maareye Margaret Nyakang’o ogolaatay 2.3 bilyan oo kaliya.
Margaret Nyakang’o ayaa xustay in 17.4 bilyan ee la kharash gareeyay intii lagu jiray sanad maaliyadeedka uusan ansixin xafiiskeeda, taasoo ka soo horjeeda shuruudaha sharciga ah.
Golaha Shacbiga ayaa markii dambe ansixiyay dhammaan maalgelinta dheeriga ah ee ku xusan qodobka 223 ee miisaaniyada kabka ee saddexaad ee bishii Juun ee sanadkan.
Warbixinta ayaa sidoo kale iftiimisay kharashaadka sare ee howlgalka ee Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Nairobi. Xafiiska fulinta ee madaxweynaha ayaa 2 milyan oo shilin maalintiiba u isticmaalay adeega daabacaadda, taas oo dhan 817 milyan oo shilin sannadkii. Adeegyadan ayaa waxaa ka mid ahaa dukumentiyada siyaasadda daabacaadda, amarada fulinta, bayaannada saxaafadda, golayaasha warbaahinta, iyo martiqaadyada howlgelinta Aqalka Madaxtooyada.