Xildhibaanada oo u yeeray Kanja si uu sharaxaad uga bixiyo mushaarka saraakiisha amniga

0
432

Taliyaha Guud ee Booliiska Douglas Kanja ayaa waxaa u yeeray Guddiga La socodka Dhaqangelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Qaranka (CIOC) si uu uga jawaabo su’aalo ku saabsan ismariwaaga u dhaxeeya xafiiskiisa iyo Guddiga Adeegga Booliiska Qaranka (NPSC).
U yeeristan ayaa timid iyadoo Kanja la sheegay inuu ku guuldareystay inuu ka soo hormuuqdo kalfadhi uu guddiga yeeshay Talaadadii shalay taasoo keentay walaac ay xildhibaannada ka qabaan wax ay ku tilmaameen dadaallo ula kac ah oo lagu wiiqayo howlaha NPSC.
Guddoomiyaha CIOC Caroli Omondi ayaa shaaca ka qaaday Talaadadii in Kanja la filayo in ay hor yimaado guddiga 16-ka bishan September saacada markay tahay 10ka Barqanimo.
Guddoomiyaha ayaa waxaa uu u kuur galay in xubnaha Ciidanka Booliiska Qaranka ee u fadhiya guddiga ay si joogto ah uga baaqsadaan shirarka, taas oo keentay in guddiga loo diido kooramkii loo baahnaa inay howlahooda ay ku qabsadaan.
Omondi ayaa waxaa uu intaas ku daray in dhageysiga soo socda uusan noqon doonin mid fogaan arag ah, maadaama arrimaha laga wada hadlayo ay leeyihiin dano bulsho oo muhiim ah.
Guddiga ayaa sidoo kale ku eedeeyay Kanja in uu isku dayay in uu waxyeeleeyo howlaha NPSC taasi oo ay sheegeen in ay ka hor imaaneyso qodobka 248 ee dastuurka dalka.