Guddoomiyaha golaha barsaabyada ee CoG ahna barasaabka ismaamulka Wajeer Axmed Cabdullaahi ayaa qeylo dhaan ka soo saaray isku dayga xil ka qaadista joogtada ah ee lala beegsanayo madaxda ismaamullada, isagoo ku sifeeyay kuwo siyaasadeysan oo aan loo dulqaadan karin.
Isagoo hadlayay Talaadadii shalay, guddoomiye Axmed ayaa sheegay in barasaabyada ay weli yihiin kuwo aad u nugul isagoo u sababay in xafiisyadooda ay ka maqan yihiin taageerada siyaasadeed ee ay ku naaloonayaan hogaamiyayaasha kale, taasoo ka dhigeysa inay la kulmaan golayaasha hoose ee deegaanka oo cadow ku ah.
Guddoomiyaha CoG ayaa sheegay in xitaa guddoomiyaasha la safan xisbiyada aqlabiyadda ah ay inta badan la kulmaan mooshin xil ka qaadis ah iyada oo aan wax faragelin ah laga helin ururadooda siyaasadeed.
Waxaa uu ka digay in xil ka qaadista ay noqoto habka ugu dambeeya ee loo maro isla xisaabtanka oo aysan noqon qaabka koowaad ee lagu xaliyo khilaafyada siyaasadeed.
Barasaabka Wajeer oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dhaliilay hay’adaha madaxa banaan in ay si aan loo meel dayin u beegsadaan dowlad deegaannada.
Waxaa uu iftiimiyay in inta badan kiisaska sharciga ah ee ka dhanka ah guddoomiyaasha ay ugu dambeyntii fashilmaan balse ay ka tagaan sumcad xumo waarta.
Waxaa kale oo uu carabka ku adkeeyay madmadowga ku xeeran qaab dhismeedka sharci ee xil ka qaadista.
Sida uu sheegay guddoomiye Axmed, inta badan mooshinnada xil ka qaadista ayaa ka dhasha khilaafyo siyaasadeed oo heer deegaan ah oo aan ahayn dhaqan xumo dhab ah.