Maraga oo fariin ku saabsan joogitaanka ciidanka Jubaland ee Mandheera u diray madaxweynaha

0
215

Madaxii hore ee cadaalada David Maraga ayaa ka hadlay wararka sheegaya in ciidamada Jubbaland ay ka howlgalaan ismaamulka Mandheera.
Bayaan uu soo saaray Arbacada maanta ah ayuu Maraga waxaa uu ku sheegay in joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalka ay kor u qaadayso walaac qoto dheer oo dhanka dastuurka, sharciga ah, iyo amniga ah.
Maraga ayaa waxaa uu tilmaamay in madaxweynaha iyo dhammaan hay’adaha dowliga ah ay waajib ku tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee waddanka.
Madaxii hore ee cadaalada ayaa ugu baaqay madaxweyne William Ruto inuu xaqiijiyo in ciidamada Jubbaland ay si deg deg ah uga baxaan dhulka Kenya.
Waxaa uu sidoo kale Baarlamaanka Qaranka ka dalbaday in madaxweyne Ruto uu la xisaabtamo sida Ciidamada Jubbaland loogu fasaxay in dalka gudahiisa ka howlgalaan.
Sidoo kale, Maraga ayaa ka digay in joogitaanka Ciidamada Jubbaland ee gudaha waddanka ay tahay tallaabo halis ah oo ku dhiirragelin karta dhinacyada dibadda inay farageliyaan arrimaha amniga gudaha.