Hoggaamiyayaasha xulafada la ah madaxweynaha oo difaacay Aadan Barre

0
405

Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha xulafada la ah madaxweyne William Ruto ee ka soo jeeda gobolka Ukambani ayaa si adag u difaacay wasiirka wasaaradda caafimaadka Aadan Barre Ducaale, kaas oo wajahaya hanjabaad xil ka qaadis ah oo uga imanaya sharci dejiyeyaasha isbahaysiga Third Force.
Isagoo ka hadlayay Bariga Kitui intii lagu guda jiray barnaamijka awood siinta howlwadeenada mootooleyda xildhibaanka deegaan barlamaaneedka Mwala Vincent Kawaya ayaa wacad ku maray in isbaheysiga talada haya ay ridi doonaan mooshin kasta oo ka dhan ah Ducaale, isaga oo ku sifeeyay inuu dhibane u yahay kooxaha musuqmaasuqa oo diidan isla xisaabtanka.
Waxaa ay ku nuuxnuuxsadeen in hanjabaadaha xil ka qaadista ay yihiin kuwo siyaasadeysan oo la doonayo in lagu wiiqo dadaallada maamulka ee lagu soo celinayo daacadnimada adeegyada bulshada.