8 qof oo loo xiray xatooyada xoolo ah ee ismaamullada Mt. Kenya

0
470

Waaxda Dambi Baarista dalka ee DCI-da ayaa xirtay 8 tuhmane oo lala xiriirinayo xatooyada xoolaha laga soo tabiyay ismaamullada Kirinyaga, Embu, Nyeri, iyo Murang’a.
Warbixin ay soo saartay Axadda maanta ah ayay DCI waxaa ay ku sheegtay in 8-da eedeeysane lagu soo qabtay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay magaalooyinka Kagio iyo Mwea ee dowlad deegaanka Kirinyaga.
Sida ay sheegtay DCI-da, ururkan ayaa waxa kale oo ka mid aha iibsadayaal, gaadiidlayda, iyo dadka ka shaqeeya dukaamaha hilibka lagu iibiyo kuwaas oo doorar kala duwan ka qaata isku xirka tuuganimada xoolaha.
Eedeysanayaasha la xiray ayaa kala ah Patrick Wanjohi Njoki, Peter Muriithi Ngari, Lukes Ochieng Olao, Simon Karagu Murigi, Anthony Mutugi, Daniel Kinyua Wangari, Samuel Gitonga Miano, iyo Cecilia Wanja Njogu.
Tuhmanayaasha ayaa hadda ku jira gacanta booliiska, waxaana lagu wadaa in la horgeeyo maxkamadda.
Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya maalmo un ka dib markii koox ka kooban hay’addo kala duwan ay soo saareen 145 neef oo lo’ ah iyo 5 dameer oo ay burcadda ka dhaceen bariga Tigania ee ismaamulka Meru.