Trump oo sheegay in uu dalban doono in codbixiye walbo uu soo bandhigo aqoonsigiisa ka hor codbixinta

0
553

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu saxiixo amar fulin ah oo u baahan aqoonsiga codbixiye kasta xilliga doorashada ee 2026-ka.
Ku dhawaaqista ayaa timid iyadoo Trump uu doonayo inuu dib u habeyn ku sameeyo nidaamka doorashada ee Mareykanka sababo la xiriira sheegashooyin been abuur ah oo sheegaya in guuldaradii uu kala kulmay doorashadii 2020-kii ay ahayd natiijada khiyaamo baahsan.
Madaxweynaha iyo xulafadiisa xisbiga Jamhuuriga ayaa sidoo kale sheegasho aan sal iyo raad toona lahayn ka sameeyay codbixinta baahsan ee dadka aan u dhalan Mareykanka, taasoo sharci darro ah inay codkooda dhiibtaan.
Bishii Maarso ee sanadkan Trump ayaa waxaa uu saxeexay amar fulineed oo ay ku jiraan shuruudaha caddaynta dukumentiga ah ee muwaadinimada si loogu codeeyo doorashooyinka federaalka.
Bishii April ee sanadkan ayaa garsoore heer federal ah uu xannibay qaybo ka mid ah amarkaas, oo ay ku jiraan shuruudaha caddaynta jinsiyadda, isagoo sheegay in Dastuurka Maraykanka uu siinayo awoodda lagu maamulo doorashooyinka federaalka ee gobollada iyo Congress-ka balse awoodaas uusan haysan madaxweynaha.
Trump, ayaa dhanka kale, ballan qaaday inuu sidoo kale soo saari doono amar fulineed oo lagu joojinayo adeegsiga waraaqaha boostada iyo mashiinnada codbixinta ka hor doorashooyinka xilliga dhexe ee 2026-ka.