Guddoomiyaha ismaamulka Mandheera Maxamed Aadan Khaliif ayaa walaac xooggan ka muujiyay dib u dhac ku yimid lacag ka badan 100 milyan oo shillin oo isbitaalka guud ee Mandheera uu ku leeyahay maamulka caafimaadka bulshada ee SHA.
Barasaabka ayaa daaha ka qaaday in xarunta ilaa hadda ay soo gaartay 734,000 oo kaliya, taasi oo si weyn u curyaamisay adeeg bixinta xaruunta caafimaad.
Guddoomiye Maxamed ayaa ku baaqay dib u habayn heer qaran ah oo degdeg ah si loo xaqiijiyo kharash celinta waqtiga ku habboon, taasoo awood u siinaya xarumaha daryeelka caafimaadka inay u shaqeyaan si hufan. Waxaa uu xusay in tillaabada horumarka ah ee SHA ee ku wajahan Daboolista Caafimaadka Caalamiga ah (UHC) ay guulaysan karto oo keliya haddii habka lacag celinta loo habeeyo si hufan.
Madaxa dowlad deegaanka ayaa hadalkan sheegay xilli uu shalay xariga ka jaray xaruunta cusub ee sifaynta kelyaha iyo dhagax dhiga qayb ka mid ah xaruunta raajatada casriga ah ee magnetic resonance imaging (MRI) ee isbitaalka Mandheera.
Waxaa uu ku tilmaamay horumarkan mid taariikhi ah ee safarka Mandheera ee ku aaddan sinnaan, la heli karo, iyo daryeel caafimaad oo tayo leh.
Sida uu sheegay guddoomiyaha, xaruunta cusub ee sifaynta ayaa la filayaa inay hoos u dhigto tirada bukaannada lagu khasbo inay u safraan magaalada Nairobi ama dalka dibadiisa si looga daweeyo kelyaha. Qaybta MRI-da iyo rugaha takhasuska leh ayaa sidoo kale keeni doona adeegyo ogaanshaha iyo daaweynta horumarsan oo u dhow bulshada.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyay in mashaariicdan ay qayb ka yihiin maalgashiga balaaran ee dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqaalaha.
Guddoomiye Maxamed ayaa ku booriyay maamulka SHA in ay dadajiyaan lacagaha ay ku bixinayaan sheegashooyinka isbitaallada.