Barasaabyada oo wasaaradda maaliyada ugu hanjabay talaabo sharci ah oo kadhan ah nidaamka wax iibsiga elektarooniga ah

0
459

Barasaabyada ismaamullada ayaa wacad ku maray in aysan bilaabayn isticmaalka nidaamka wax iibsiga ee dowladda ee elektrooniga ah (e-GPS), iyaga oo ku hanjabay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono wasaaradda maaliyada oo lagu eedeeyay in ay ku qasbeen dowlad deegaannada in ay qaataan nidaamkan.
Iyadoo loo marayo Golaha Gudoomiyayaasha (CoG), madaxda ismaamullada ayaa waxaa ay ku eedeeyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda John Mbadi inuu iska indho tiray go’aankii Barlamaanka Qaranka ee dhowaan baabi’iyay isticmaalka qasabka ah ee e-GPS.
Gudoomiyayaasha ayaa ku doodaya in soo saarista nidaamkan ay ahayd mid aan haboonayn, taasoo keentay jahawareer iyo curyaaminta adeeg bixinta maamulladooda.
Toddobaadkii hore, Barlamaanka Qaranka ayaa meesha ka saaray amarka Mbadi ka dib markii su’aalo laga keenay helitaanka nidaamka daah furnaantiisa iyo daldaloolada dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah.
Wasaaradda Maaliyada ayaa billowday nidaamka e-GPs-ka bishii Luulyo 2024-kii, iyadoo sheegtay in uu si otomaatig ah u hagaajin doono wax iibsiga, korna u qaadi doono isla xisaabtanka, uuna dalka ka badbaadin doono ilaa 50 bilyan oo shillin sannadkiibo iyadoo la xakameynayo wax is daba marinta iyo wax qabad la’aanta.
Xildhibaanada ayaa waxaa ay ku doodeen in shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs) iyo ganacsiyada miyiga ay halis ugu jiraan in laga reebo isticmaalka internetka oo liita iyo awood yaraan. Waxaa ay sidoo kale ku dhaleeceeyeen Wasaaradda la talinta iyo tababarka aan ku filnayn shaqaalaha ka hor intaan la baahin nidaamka.
Inkasta oo uu baarlamaanku baabi’iyay isticmaalka nidaamkan, Mbadi ayaa waxaa uu meesha ka saaray go’aanka mudanayaasha, isaga oo ku adkaystay kaliya in arrintan ay go’aan ka gaari kaaraan golaha wasiirrada.
Guddoomiyayaasha ismaamullada ayaa si kastaba ha ahaatee, waxaa ay ku adkaysanayaan in Mbadi uu ka hor imanayo sharciga isagoo iska indho tiray baabi’inta. Warqad mudaaharaad ah oo ku taariikhaysan 23-kii bishan ayuu guddoomiyaha golaha CoG ahna barasaabka dowlad deegaanka Wajeer Axmed Cabdullaahi waxaa uu ku sheegay in awaamiirta aysan lahayn saldhig sharci oo ay wiiqayso kala soocida degmada.