Israa’iil oo ugu yaraan 70 qof ku dishay Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay

0
379

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dilay ugu yaraan 77 qof oo Falastiiniyiin ah guud ahaan Qaza, oo ay ku jiraan 47 qof waqooyiga magaalada Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay iyadoo militariga uu sii xoojiyey ololaha uu ku doonayo inuu ku qabsado magaaladaas oo uu ku barakiciyo ilaa hal milyan oo qof oo ku nool.
Dilalka dhacay Sabtidii ayaa waxaa ku jiray 11 Falastiini ah oo la toogtay iyagoo saf ugu jira cunto gargaar ah, waxaana dilkan uu imaanayaa iyadoo wasaaradda caafimaadka ee Qaza ay shaacisay in 10 qof oo kale ay nafaqo darro u dhinteen 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Qoysaska ka cararay duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee militariga Israa’iil ayaa bilaabay inay dhistaan tendhooyinka ku meel gaarka ah iyadoo ay jirto xaalad aad u liidata oo u dhow xerada qaxootiga ee Nuseirat iyo meel u dhow xaafada Deir el-Balah ee bartamaha Qaza.