Xoghayaha caafimaadka oo beeniyay inuu khilaaf kala dhexeeyo wasiir Ducaale

0
647

Xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr. Ouma Oluga ayaa bayaan uu soo saaray ku beeniyay in isaga iyo wasiirka caafimaadka Aadan Barre Ducaale ay isku khilaafsan yihiin barnaamijka shaqaalaha caafimaadka guud ee (UHC) loogu wareejinaya ismaamullada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wargelin uu dhawaan la wadaagay Golaha Barasaabyada Ismaamullada ee (CoG) ay ahayd mid uu ku sii xoojinayay arrinta uu shaaciyay wasiir Ducaale oo uunan uga soo horjeedsan.
Oluga ayaa xusay in marka la xaqiijiyo shaqaalaha qaybta ka ah barnaamijka caafimaadka guud ee UHC in dhammaantood si buuxda loo howlgelin doono laga billaabo bisha Sagaalaad ee sanadkan.