Madaxweynaha dalka oo sheegay in isbeddello lagu sameynaya NYS

0
607

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa sheegay in isbeddello waawayn lagu sameynaya adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS si waaxdan looga dhigo mid wax soo saar leh.
Waxaa uu xusay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in da’yarta ay helaan xirfadaha habboon oo loo diyaariyo ka faa’iidaysiga fursadaha shaqo.
Ruto ayaa tilmaamay in iyadoo saaxiibbo la kaashanaya oo tababarkana laga dhigaya mid nidaamsan ,shakhsiyaadka ka qalin jebiyo NYS in ay u gudbi doonaan helidda tacliin sare, ay ku biirayaan laamaha ammaanka si ay u difaacaan nabadgalyada mise in ay ganacsi sameystaan.
Madaxweynaha qaranka ayaa intaasi ku daray in tirada ay NYS shaqaaleysiiso oo hadda ah 20,000 , dhammaadka sanadka 2028-da ay noqon doonto 100,000 oo qof.
Waxaa uu maanta guddoomiyay xaflad ay ku qalin jebinayeen in ka badan 18,000 oo ruux oo ku biiraya adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS taasoo lagu qabtay deegaanka Gilgil ee ismaamulka Nakuru.