Warbixin laga soo saaray daraasaad ay sameysay jaamacadda Quinnipiac ee Maraykanka ayaa lagu ogaaday in kala bar codbixiyeyaasha xukuumadda Washington ay aaminsan yihiin in Israa’iil ay xasuuq ka gaysanaysa Qaza.
Tiradan ayaa ah boqolkiiba 77 ee codbixiyeyaasha xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka halka boqolkiiba 51 lagu sheegay kuwo madax bannaan.
Warbixinta waxaa ku cad in boqolkiiba 20 ilaa 64 ee codbixiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka aynan aaminsanayn in Israa’iil ay xasuuqaysa Falastiiniyiinta Qaza.
Sidoo kale , 6 ka mid ah 10-kii codbixiyeyaal ee u dhashay Maraykanka waxay ka soo horjeedaan in dowladda dalkaasi ay taageero militari oo dheeraad ah ay siiso Israa’iil.