Musuqmaasuqa oo lagu sheegay halista ugu wayn ee uu wajahaya dastuurka dalka

0
207

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa sheegay inuu jiro musuqmaasuq ku baahay waaxyaha kala duwan ee dowladda.
Waxaa uu xusay in 15 sano ka dib markii la soo bandhigay dastuurka dalka u degsan, in khatarta ugu wayn ee ka dhanka ah dhaqangelintiisa ay tahay musuqmaasuqa.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in falalka wax isdaba marinta ee ka dhex jiro golaha fulinta , baarlamaanka iyo garsoorka ay yihiin kuwo saameyn ku leh hay’adaha iyo maamullada dastuuriga ah.
Ruto ayaa sheegay in ay qasab tahay in waax kasta ay si daacadnimo leh ula tacaasho musuqmaasuqa.
Waxaa uu ku celceliyay in kenyaanka aynan si buuxda u heli karin faa’iidooyinka dastuurka haddii aan la qaadin tallaabo adag oo musuqmaasuqa looga cirib tiraya dhammaan heerarka dowladda.
Tan iyo markii sanadkii 2013-kii la billaabay nidaamka dowlad wadaajinta , dowladda sare ayaa ismaamullada ku wareejisay lacag dhan 4 Tiriliyoon oo shilin.