Isra’iil oo burburisay xaafado iyada oo ku sii siqeysa qabsashada Magaalada Qazza.

0
398

Isra’iil ayaa adeegsaneysa xoog aad u baaxad weyn si ay u qabsato Magaalada Qazza, iyadoo taangiyo iyo diyaarado dagaal ay dhulka la simayaan dhismayaal sida uu werinayo Tareq Abu Azzoum, weriye ka tirsan Al Jazeera oo ku sugan Gaza.
Ugu yaraan 64 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarro ay Israa’iil ka fulisay guud ahaan Gaza shalay, kuwaas oo ay ku jiraan shan qof oo lagu dilay suuq ku yaalla Magaalada Qazza.
Maamulka Falastiiniyiinta ayaa cambaareeyay waxa uu ku sheegay “kacsanaan khatar ah” oo ay wadaan ciidamada Israa’iil ee ka hawlgala Daanta Galbeed ee la haysto, kadib weerar ay ka fuliyeen magaalada Ramallah oo dhaawac u geystay dad badan.
Isra’iil ayaa dishay ugu yaraan 62,819 qof waxayna dhaawacday 158,629 kale intii lagu jiray dagaalka ay kula jirto Gaza. Dhanka Israa’iil, 1,139 qof ayaa la dilay intii lagu jiray weeraradii ay Hoggaamiyeen Xamaas 7-dii Oktoobar 2023, waxaana la afduubtay in ka badan 200 qof.