DHEGEYSO:Rigathi Gachagua:Shacabka Mandera waa dad aan waxba galabsan

0
522

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua oo xalay waraysi gaar ah siinayay telefishanka maxaliga ah ee Citizen ayaa beeniyay eedeyn uga timid madaxda Mandera.
Madaxda deegaankaas ayaa igu eedeeyay in aan dadka Mandheera ku tilmaamay argagixiso ayuu yiri.

Dadka Mandheera waa dad aan waxba galabsan oo aan wax lug ah ku lahayn eedeymahaas ayuu hadalkiisa ku daray.Dadka ku nool Mandera waa dad wanaagsan shakhsiga ay is hayaan uu yahay madaxweyne Ruto kaasi oo uu ku eedeeyay inuu xariir la sameeyay kooxda Al Shabaab.
Rigathi Gachagua ayaa cadeeyay in bulshada Soomaaliyeed uu kala dhaxeeyo xariir wanaagsan oo ganacsi ah ayna si weyn isugu dhaw yihiin.
Waxaa uuna tilmaamay in bulshada soomaaliyeed uu xushmad u hayo.

Waxaa uu intaas ku daray si hogaamiyaasha Mandera ay u difaacaan madaxweyne Ruto ay ku eedeynayaan eedeymo aan waxbo ka jirin.
Madaxweyne ku xigeenkii hore dalka ayaa madaxda Mandera ku eedeeyay ineysan ka hadleynin ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan dowlad deegaankaas.