Dhismaha golayaasha degmooyinka Galmudug qaarkood ayaa xalay la hakiyey ka dib markii uu war saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta galmudugu lagu sheegay in madaxweyne Axmad Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) uu joojiyey dhismaha golayaasha deegaanada Balanbal, Caabudwaaq, Cadaado, Hobyo iyo Dhuusamareeb.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Galmudug Axmad Shire Falagle ayaa sheegay in muddo 90 cisho ah dib loo dhigay sabab la xiriirta in degmooyinka iyo gobollada ay ka bilaabanayaan diyaarinta iyo doorashada xildhibaanada dowladda federaalka soomaaliya.
Guddoomiyaha digreetada ku magacaaban ee balanbal Jaamac Xayle Maxamad ayaa idaacadda Star Fm u sheegay in howshii dhismaha golaha deegaanka Balanbal ay gebagebo mareyso oo aan loo joojineen warka ka soo yeeray wasiir Falagle.
Waxaa uu qadka taleefoonka ugu warramay Cubeyd Xasan Maxamuud oo nooga soo warramo gobolka Galgaduud
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Dhismayaasha golayaasha deegaanada Galmudug oo inta badan la hakiyay