Shaqo joojinta kalkaaliyaasha ee ismaamulka Lamu ayaa lagu wadaa in ay sii socoto muddo aan la cayimin ka dib markii shaqaalaha caafimaadka ay wacad ku mareen in aysan ku soo laaban doonin shaqada ilaa inta maamulka dowlad deegaanka Lamu uu si buuxda wax uga qabanayo cabashadooda mudada dheer.
Waxaa ay mudaaharaad nabadeed ku qabteen Jaziirada Lamu, iyagoo socod ku tagay xafiisyada maamulka adeegga dadweynaha ee ismaamulka Lamu.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa maamulka dowlad deegaanka ku eedeeyay in ay dayaceen daryeelkooda oo ay ku guuldareysteen in ay ixtiraamaan heshiisyadii la galay wada xaajoodyadii hore.
Sida laga soo xigtay kalkaaliyayaasha mudaaharaadaya, dhowr arrimood oo muhiim ah oo lagu soo qaaday shaqo joojin hore oo ay ku jiraan kii 2017 iyo mid kale horaantii sanadkan ayaa weli ah kuwa aan la xallin.
Shuruudaha ay dalbanayaan ayaa waxaa ka mid ah in la wanaajiyo xaaladda shaqada, bixinta mushaaraadka iyo gunnooyinka waqtigeeda, iyo hirgelinta dalacsiinta iyo kala wareejinta sidii hore loogu heshiiyey.