Ku dhawaad 50 qoys oo ku nool tuulada Osiri, ee galbeedka Kisumu, ayaa hoy la’aan noqday habeenimadii Isniinta ka dib markii duufaan xoog leh, oo la socotay roobab mahiigaan ah ay ku dhufatay aagga.
Roobabkii makhribkii ka da’ay ayaa sababay burbur baahsan oo ka dhacay tuulada harada, taasoo keentay in dadka deegaanka ay habeenkii ku hoydaan qabowga.
Kephas Kasera oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid aan horay loo arag.
Waxaa uu ku tilmaamay baaxadda burburka in uu ahaa mid aad u ballaaran, isaga oo ku baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in subaxnimadii Talaadada uusan soo gaarin wax mas’uul ah oo ka socda dowladda hoose ee Kisumu ama dowladda dhexe.
Duufaantan ayaa imaanaysa iyadoo ay jiraan digniino ka imaanaya waaxda saadaasha hawada oo saadaaliyay in roobab badan ay ka di’i doonaan galbeedka Kenya.