Barasaabka Kericho Erick Mutai oo ka hor yimid xil ka qaadista lagu sameeyay

0
397

Barasaabka ismaamulka Kericho Erick Mutai ayaa ka doodaya xil ka qaadistiisa hor taalo aqalka senate-ka, taasoo sare u qaadeysa welwelka weyn ee ku aadan hufnaanta nidaamka codeynta elegtarooniga ah ee uu isticmaalo golaha dowlad deegaanka. Guddoomiyaha oo wax ka yar saddex sano jirsaday xilligiisa ugu horreeya, ayaa loo qorsheeyay dhageysiga dacwad ka bilaabanta Arbacada.
Waxaa uu ku doodayaa in qaabkii loo maray mooshinkii xilka looga qaaday 15-kii bishan August lagu sameeyay wax is daba marin, isla markaana aan buuxin shuruudihii dastuuriga ahaa. Golaha deegaanka ayaa sheegay in 33 ka mid ah 47 wakiil ee laga soo doortey degmooyinka Kericho ay u codeeyeen in xilka laga xayuubiyo, taasoo ka badan saddex meelood labo meel in loo baahan yahay in xilka laga qaado guddoomiyaha.
Si kastaba ha ahaatee, Mutai, oo u sii maraya qareenkiisa Katwa Kigen, ayaa soo gudbiyay waraaqo cadeymo ah oo ka socda 18 wakiil kuwaas oo ku adkeysanaya in aysan ka qayb qaadan codbixinta elegtarooniga ah.
Wakiilada diiddan ayaa dalbanaya in si buuxda loo shaaciyo habka codaynta, oo ay ku jiraan magacyada ka qaybgalayaasha, wakhtiga saxda ah ee codadka, iyo dhamaystirka nidaamka diiwaanka si loo xaqiijiyo natiijooyinka. Waxaa ay ku adkaysanayaan in daah furnaantan la’aanteed, aan loo aqoonsan karin xil ka qaadistaas, iyagoo ka digay in haddii la iska dhega tiriyo wax is daba marintan ay wiiqi doonto sareynta sharciga iyo ilaalinta dastuuriga ah ee uu siinayo mas’uuliyiinta la soo doortay.
Dacwooyinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah Guddoomiye Mutai ayaa la guda geli doonaa guud ahaan ka dib markii isku daygii aqalka senetka ee ahaa in la sameeyo guddi gaar ah uu u burburay taageero la’aan.