Maxkamadda oo loo sheegay in Mackenzie uu dhibanayaasha Muslimiinta ah ku qasbay inay qaataan diinta Masiixiga

0
471

Waxaa maxkamadda sare ee magaalada Mombasa shalay ka soo hor muuqday markhaatiyo ka warbixiyay dhacdooyinka dacwada loo hesto baadariga muranka dhaliyay ee Paul Mackenzie iyo 29 eedaysane, oo kale oo lala xiriirinayo dhimashada in ka badan 400 oo qof oo lagu xasuuqay kaynta Shakahola.
Saddex markhaati oo kala ah nin 19 jir ah, wiil 10 jir ah, iyo nin 18 jir ah ayaa ka sheekeeyey tafaasiil naxdin leh oo ku saabsan nolosha gudaha Kaniisadda Paul Mackenzie ee Good News International iyagoo ka soo horumuuqday garsoore Diana Kavedza ee Maxkamadda Sare ee Mombasa.
Mid ka mid ah markhaatiyaasha, oo magaciisa lagu soo koobay O.H ayaa maxkamadda u sheegay in isaga iyo waalidkiis lagu qasbay inay ka baxaan diinta Islaamka oo ay qaataan diinta Masiixiga si ay ugu biiraan kaniisadda Mackenzie ee laanta Makongeni ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu dib u xasuustay wacdigii Mackenzie, ee lagu soo bandhigay CD-yada iyo aayadaha xusuusta, ee cambaareeyay waxbarashada tooska ah, daawada, iyo xitaa diiwaangelinta Lambarka Huduma, oo uu wacdigu ku tilmaamay “calaamadaha bahalka.”
Markhaatiyaasha ayaa aqoonsaday dhowr ka mid ah eedaysanayaasha inay ka qaybqaateen qodista qabuuraha, isu imaatinka, iyo caadooyinka gudaha Shakahola.
Dhageysiga kiiska ayaa sii socon doonaa maanta oo Talaado ah iyadoo la filayo in marqaatiyaal kale ay ka soo hormuqdaan maxkamadda.