Dhaqaale xumi kusoo fool leh 26 ismaamul iyadoo maamulaha miisaaniyada ay diiday miisaaniyada iyadhoo u sababtay wax isdaba marin

0
463

26 ka mid ah dowlad deegaanada dalka ayaa wajihi doonaa dhaqaale xumo ka dib markii maamulaha miisaaniyada ay soo celisay maaliyadooda iyadhoo u sababtey qoondo sharci darro ah, kharashaad la qariyay iyo dukumeentiyo maqan.
Ismaamullada ayaa waxaa ka mid ah Nakuru, Kisumu, Uasin Gishu, Bungoma iyo Narok.
Margaret Nyakang’o ayaa sheegtay in xafiiskeedu uu diiday in uu ansixiyo miisaaniyada 2025/26 ee dowlad deegaanada ay dhibaatadu saamaysay.
18 ismaamul ayaa loo soo celiyay dukumeentiyadooda miisaaniyada ka dib markii ay ku guuldaraysteen in ay ku xiraan qoondaynta mashaariicda gaarka ah, kharashaadka soo noqnoqda oo ka dhigaya qorshayaal horumarineed, iyo joojinta dukumentiyada qorshaynta. Lix dowlad deegaan oo kale ayaa ku guuldareystay inay soo gudbiyaan miisaaniyada ay ansixiyeen ugu dambeyn Talaadada sidaas darteed lama maalgelin karo.
Ismaamullada kale ee loo calaamadeeyay u hogaansami la’aanta waxaa ka mid ah Bungoma, Bomet, Busia, Kajiado, Kericho, iyo Gaarisa. Dukumentiyada Kericho ayaa wali dib u eegis lagu hayaa, halka Isiolo loo gudbiyay waaxda sharciga ee xafiiska maareyaha miisaaniyada. Ismaamullada Wajeer, Mandheera, Meru, Nyandarua, Trans Nzoia, iyo Siaya ayaa san soo gudbin miisaaniyada la ansixiyay ugu dambeyn Talaadadii.
Ismariwaaga ayaa hadda halis gelinaya dib u dhac ku yimaada mushaaraadka, kharashaadka ay sugayaan alaab qeybiyeyaasha iyo qandaraasleyda, iyo dawo yaraanta iyo xirmooyinka caafimaadka ee isbitaallada.
Waxaa ay sharaxday in ismaamullada looga baahan yahay inay soo bandhigaan Qorshaha Horumarinta Isku dhafka ah ee Degmada (CIDP), Qorshaha Horumarinta Sannadlaha ah, iyo Warqadda Istaraatiijiyadda ee Fiscal (CFSP) ka hor inta aan la ansixin miisaaniyadooda.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda John Mbadi ayaa xaqiijiyay in qoondada bisha July mar hore lagu wareejiyay Sanduuqa Dakhliga ismaamullada (CRF) 11-kii bishan balse waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowlad deegaanada aysan heli karin lacagaha ilaa laga xalliyo arrimaha miisaaniyadooda.