Todobo eedeeysane oo lagu xiray Malindi kuwaas oo lala xiriirinaayo falal dambiyeed

0
369

Booliiska magaalada Malindi ayaa howlgal ballaaran oo ay sameeyeen Isniinta maanta ah ku soo qabtay todobo tuhmane, xilli uu sii xoogeysanayo howlgallada ka dhanka ah kooxaha dambiilayaasha ah.
Howlgalka oo ay si wadajir ah u fuliyeen saraakiil ka tirsan Saldhigga Booliiska Malindi ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku dhuumaaleystaan kooxaha burcadda ah ee ku sugan deegaanka Soweto ee hoos yimaada maamul hoosaadka Malindi.
Sida laga soo xigtay booliiska, eedeysanayaasha ayaa lagu helay hubka noocyadiisa kala duwan waxaana lagu hayaa saldhigga booliiska inta laga soo taagayo maxkamadda.
Adeegga Qaran ee booliiska NPS ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu doonayo in lagu baabi’iyo kooxo abaabulan oo lala xiriirinayo falalka amni darro ee ka jira ismaamulka Kilifi.