Wakiilada Kiambu oo Barasaab Wamatangi ka difaacay eedaymaha musuqmaasuqa ee EACC

0
362

Qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka hoose ee ismaamulka Kiambu ayaa si adag u difaacay barasaabkooda Kimani Wamatangi ka dib eedeeymo musuqmaasuq oo uu dhawaan soo gudbiyay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa (EACC).
Wamatangi ayaa wajahaya fadeexad musuqmaasuq ah oo dhan 1.27 bilyan oo qandaraas ah oo la sheegay in uu siiyay qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa markii uu ahaa senatorka Kiambu 2017-kii.
Iyagoo ka hadlay munnaasabad ka dhacday deegaanka Githunguri wakiilada ayaa waxaa ay meesha ka saareen sheegashada EACC inay tahay mid siyaasadaysan oo ay damacsanaayeen in lagu wiiqo maamulka guddoomiyaha.
Hay’adda ka hortagga musuqmaasuqa ayaa horay u soo gudbisay faylal ay ku talinayso in dacwad lagu soo oogo saddex guddoomiye oo haatan xilal hayo, oo uu ka mid yahay Wamatangi.
Wakiilada laga soo doortey degmooyinka Kiambu ayaa hagar la’aan ah u ballan qaaday in ay garab istaagi doonaan Guddoomiye Wamatangi, iyaga oo ku booriyay siyaasiyiinta isku haya siyaasadda in ay ka waantoobaan ololaha xilli hore oo ay u oggolaadaan maamulka hadda jira in uu ka soo baxo waajibaadka loo igmaday.
Marka laga soo tago Wamatangi, EACC ayaa sidoo kale ku talisay in dacwad lagu soo oogo barasaabka ismaamulka Marsabit Maxamuud Cali oo lala xiriirinaayo fadeexad musuqmaasuq oo dhan 728 milyan iyo dhigiisa Bomet Hillary oo ku eedeeysan wax isdawamarin ka dhex jirta maamulkiisa taasoo lagu qiyaasay 152 milyan oo shilin.