Maxkamadda magaalada Kithimani ee ismaamulka Machakos ayaa xukun xabsi oo 20 sano ah ku ridday Kioko Kavita.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu helay dembi ah inuu fallaar ku toogtay Esau Ogutu Mbadi oo ka mid ah shaqaalaha shirkadda adeegga korontada ee dalka ee KPLC.
Dhacdadan ayaa 7-dii bishii Lixaad ee June ee sanadkii 2024-kii laga soo tabiyey tuulada Kithendu ee deegaanka Yatta oo ka tirsan dowlad deegaanka Machakos.
Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu si sharci darro ah iskugu dayey inuu dil gaysto isagoo Esau oo xilligaasi shaqo ku jiray ka toogtay dhanka midig, feeraha hoostiisa.
Tallaabadan ayuu qaaday kadib markii sarkaalka uu go’aansaday inuu jaro geedo uu xukmanaha beeray oo la sheegay in ay saameyn ku yeesheen qaybinta adeegga korontada ee tuulada Kithendu.
Dhibbanaha oo la geeyay isbitaalka heerka afaraad ee Matuu ayaa qalliin lagu sameeyay.