Saraakiisha ammaanka ee Thika oo xiray 2 qof oo ku eedeysan afduub

0
580

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in la xiray 2 ruux oo loo haysto in ay afduub gaysteen iyadoo la soo badbaadiyey 2 dhibbanayaal ah.
Waxaa howlgalkan fuliyay dambi baarayaasha ka howlgalo Galbeedka deegaanka Thika ee ismaamulka Kiambu.
Tani ayaa timid ka dib markii shacabka ay laamaha ammaanka ku wargeliyeen in Davis Mugambi iyo John Maina Macharia ay afduubteen labo haween ah oo ay ku hayeen guri ku yaalla aagga Muguga.
Waxaa durbaba howlgal sameeyay saraakiisha oo soo samatabixiyay dhibbanayaasha kuwaasoo dhaawacyo loo gaystay sidoo kalena lagala wareegay taleefoonnadooda gacanta si cidna aynan ula xiriirin.
Baaritaanno dheeraad ah ayaa lagu soo helay ilaa 7 taleefoon iyo waxyaabo kale.
Afaafka gurigaasi ayaa lagu arkay baabuur taargadiisu ay tahay KDT 998N oo la rumeysan yahay in eedeysanayaasha ay adeegsanayeen.
Dambi baarayaasha ayaa laga soo xigtay in gudaha gaariga ay ka heleen 7 mindi , 7 kibriid mise taraq iyo waxyaabo kale oo laga shakiyey.
Baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in haweenka 19-kii bishan laga afduubtay ismaamulka Nyeri oo la geeyay Thika.
Tuhmaneyaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga ka hor inta aan maxkamadda loo gudbin.