Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo howlgalo ka wada deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa gubay xarumo ay Shabaabku ku lahaayeen deegaanadaas sida uu sheegay afhayenka ciidamada xoogga dalka.
Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi ayaa Idaacadda ku hadasha Codka Ciidmadda Qalabka Sida ee Soomaaliya u sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay ku guuleysteen inay Al-shabaab ka saaraan deegaanada ay howlgalka ka wadaan, islamarkaasna ay halkaasi Khasaare ku gaar siiyeen.
Wuxuu Tilmaamay inay Ciidamadu gubeen saldhigyadii iyo xarumihii Alshabaab ay ku lahaayeen deegaanada laga saaray sida deegaanka War Ciise..
Howlgalka ay ciidamada Xoogga dalka ka wadaan gobolka Sh/dhexe oo uu hoggaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusf Raage ayay kula wareegeen deegaano dhinaca Bari ka xiga degmada Jowhar sida War dhagax, War ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere.
Home Wararka Soomaaliya Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo burburiyay xarumo fariisimo u ahaa Al-Shabaab