Gachagua oo soo koobay safarkiisi Maraykanka

0
599

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ahna hoggaamiyaha xisbiga DCP, Rigathi Gachagua ayaa qoraal ku sheegay inuu soo koobay safarkiisi Maraykanka.
Waxaa uu xusay inuu dalka dib ugu soo laaban doono si uu goobjoog uga noqdo doorashooyinka ku celiska ah ee ay DCP isku diyaarinaysa in ay ka qayb gasho.
Waxaa uu raalli geliyay qaar ka mid ah qurbajoogta Maraykanka oo qaban qaabinayay inuu la kulmo isagoo qorshahaasi dib u dhigay ilaa horraanta sanadka 2026-da.
Gachagua ayaa sheegay inuu maalmo kooban nasanaya ka hor inta uunan Kenya dib ugu soo laaban.
Waxaa uu intaasi ku daray in safarka uu ku imaanaya dalka uu noqonaya mid la shaaciyay.
Rigathi Gachagua ayaa u mahadceliyay cid kasta oo ku soo dhaweysay Maraykanka wuxuuna muujiyay kalsooni ah in xisbiga uu hoggaamiyo ee DCP uu ku sii ballaaranaya qurbaha.