Madaxweyne William Ruto ayaa Arbacada maanta ah ansixiyay sharciga qoondaynta dakhliga ee ismaamullada, 2025, iyo sharciga maaliyadda guud ee degmada (wax ka bedelka) sharciga, 2023-ka.
Sharciga maaliyadda guud ee degmada oo uu soo jeediyay Senatarka laga soo doortey dowlad goboleedka Meru Kathuri Murungi, ayaa rajeenayaa in la siiyo golayaasha ismaamullada madax banaani weyn oo ku aadan dhaqaalahooda.
Waxaa ay wax ka baddal ku samaynaysaa xeerka maamulka maaliyadda dowladda si loo sameeyo sanduuqa golaha deegaanka ee gobol kasta, kaas oo dabooli doona kharashaadka maamulka una fududayn doona iibsashada hantida sida dhulka iyo dhismayaasha.
Iyadoo Xeerka Adeegyada Golaha Degmada uu hadda bixiyo maalgelin noocaas ah, sharciga cusub ayaa waxaa uu soo bandhigayaa qodobbo tafatiran oo ku saabsan maarayntiisa, ilaha dakhliga, iyo hababka dalabka.
Laga bilaabo sanad maaliyeedkan karraaniga golaha degmo kasta ayaa waxaa uu u adeegi doonaa sida maamule sanduuq, isaga oo hubinaya in lacagaha lagu hayo ujeeddadii loogu talagalay, laguna keydhiyo Bangiga Dhexe ee CBK, oo isla markiiba loo bixiyo kharashka dadweynaha ee la ansixiyay.
Lacagaha aan la isticmaalin dhamaadka sanad maaliyadeedka ayaa loo gudbin doonaa sanad maaliyeedka xigga.
Wasaaradaha maaliyada ismaamullada ayaa waxaa looga baahnaan doonaa in ay soo daayaan qoondaynta 15-ka bil kasta kharashaadka bisha soo socota, iyada oo ku xiran ansixinta golaha.
Dhanka kale, sharciga qoondaynta dakhliga gobolka, 2025, ayaa qeexaya sida gobolada ay u wadaagi doonaan dakhligooda sinnaanta ah ee sanad maaliyadeedka cusub, waxaana soo gudbiyay guddoomiyaha guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee senate-ka, Cali Roba.
Waxaa ay u qaybisay 415 bilyan 47-da dowlad goboleed ee dalka sanad miisaaniyadeedkan.
Madaxweyne William Ruto ayaa labada hindise sharciyeed ku saxiixay aqalka yar ee madaxtooyada ee magaalada Homa Bay.
Home Wararka Kenya Madaxweyne Ruto oo saxiixay laba hindise sharciyeed ee qoondaynta dakhliga ismaamullada