Ruushka oo qaaday weerarkii ugu cuslaa ee Donetsk tan iyo 2022

0
469

Ciidamada Ruushka ayaa saaka aroortii hore qaaday weerar culus oo dhulka iyo cirka isugu jira, kaas oo lagu bartilmaameedsaday safafka hore ee difaaca ciidamada Ukraine ee ku sugan gobolka Donetsk ee bariga dalka Ukraine.
Saraakiil ayaa weerarkan ku tilmaamay midkii ugu weynaa tan iyo sannadkii 2022-kii, markii dagaalka Ruushka iyo Ukraine uu billowday.
Talaabadan ayaa loo arkaa isku day ay xukuumadda Moscow ku doonayso inay jebiso difaacyada Ukraine, ka hor kulanka Jimcaha ee lagu wado in ay ku kulmaan Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhigiisa Mareykanka Donald Trump.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Ruushka ay durba gacanta ku hayaan guud ahaan gobolka Donetsk, iyadoo weerarkan cusub uu sii adkeynayo cadaadiska lagu hayo ciidamada Ukraine ee ku harsan aaggaas.