Ciidamada Israa’iil oo xabsiga u taxaabay Falastiiniyiin badan intii lagu jiray howlgallo ay ka fuliyeen Daanta Galbeed.

0
402

Wakaaladda wararka ee Wafa ayaa soo warisay in ciidamada Israa’iil ay xireen laba dhallinyaro ah oo kasoo jeeda magaalada Beyt Laaxam kadib markii ay weerareen guryahooda, sidoo kale waxaa ay xireen afar qof oo kale oo kasoo jeeda xerada qaxootiga ee Am’ari oo ku dhow magaalada Ramallah.
Wakaaladda ayaa waxaa ay sidoo kale sheegtay in wiil dhallinyaro ah oo kale laga qabtay magaalada al-Bireh.
Ciidamada Israa’iil iyo dadka deegaamaystay dhulka Falastiniyiinta ayaa kordhiyay weerarrada rabshadaha wata ee ka socda Daanta Galbeed ee la haysto, taasoo keentay dhimashada in ka badan 1,000 qof tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Qaza. Qiyaastii 202 ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaayeen carruur.
Ciidamada Israel ayaa sidoo kale sameeyay xarig ballaaran, iyagoo ku qabtay ku dhawaad 18,500 Falastiiniyiin ah oo kaliya ku sugan Daanta Galbeed tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii Oktoobar 2023-kii. Tiradan waxaa ka mid ah 570 dumar ah iyo 1,500 carruur ah.